Skip to main content

Talo

Blue and grey laptop graphic on a yellow background

Bilaabida codsigaaga

Si aad noogu soo dirto codsi, waxaad u baahan doontaa inaad iska diiwaangeliso boggayaga shaqooyinka.

Markaad isdiiwaangeliso, waxaad codsan kartaa boosaska banaan adigoo galaya isla markaana isticmaalaya cinwaanka iimaylkaaga iyo baaswaadhka aad dooratay.

Faahfaahintaada si otomaatig ah ayaa loogu keydin doonaa arjigaaga iyadoo lagu saleynayo macluumaadka aad bixisay xilligii isdiiwaangelinta, sidaas darteed mar kale iska hubi in macluumaadkaan wali sax yahay.

 

Codsashada jagada/doorka

  • Guji shaqada aad jeclaan laheyd inaad codsato adigoo galaya bogga oo buuxi foomka codsiga ee khadka tooska ah.
  • Waxaa lagaa filan doonaa inaad soo geliso CV-gaaga, iyadoo ay kuxirantahay jagada/shaqada banaan, waxaa lagaa codsan karaa inaad ka jawaabto dhowr su’aalood. Xaqiiji inaad bixiso tusaalooyin cad oo ku saabsan xirfadahaaga, qiyamkaaga, waayo-aragnimadaada iyo aqoontaada ee jagada aad codsaneyso
  • Waxaad fursad u heli doontaa inaad ku soo lifaaqdo wixii dukumenti ah ee taageeraya codsigaaga, qaab ah PDF, dukumiinti ama linkiga URL web. Noqo mid hal abuur leh hadba sida aad rabto!
  • Foomamka codsiga ayaa la keydsan karaa adigoon dhamayn foomka codsiga kahor intaadan dirin
  • Kadib markaad gudbiso codsigaaga, ma badali kartid macluumaadka aad ku qortay marka laga reebo faahfaahinta lagaala soo xiriiri karo. Sidaa darteed, xusuusnow inaad mar kale eegto inaad si fiican u sharraxday sida ay qiyaamkaaga, xirfadahaaga iyo waayo-aragnimadaadu kaaga dhigayaan qofka ugu habboon ee qaban kara shaqada
  • Haddii aad wax su’aalo ah qabtid ama aad u baahan tahay caawimaad dheeri ah, Kooxdayada Caawimaada way ku faraxsan yihiin inay ku caawiyaan. Waxaad nagala soo xiriiri kartaa:
    • Webchat – Guji astaanta buluugga ah ee wareegsan kuna taala dhanka midigta hoose ee shaashadda
    • Iimayl noogu soo dir peopleteam@unitedwelsh.com
    • Naga soo wac 0330 159 6080

Kadib markaad codsiga dirsato

  • Markaad gudbiso codsigaaga, waxaan kuu soo diri doonnaa iimayo si aan kuugu sheegno inuu na soo gaaray.
  • Ka dib markaan aqrino dhammaan codsiyada loo soo dirsaday doorkaas/jagadaas, waxaan kula socodsiin doonnaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah wixii natiija ah ee ka soo baxa.
  • Haddii codsigaaga la soo liis gareeyo, waxaan kuula soo xiriiri doonaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyinka xiga.
  • Xusuusnow, waxaad markasta booqan kartaa bogga si aad u eegto meeshuu marayo codsigaaga, waxaad fariin u dir kartaa Hogaamiyaha Shaqaalaynta isla markaana waxaad cusbooneysiin kartaa faahfaahinta lagaala soo xiriiri karo.